VIDEO: Madaxweyne Deni oo soo xiray Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xiray Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Garoowe.

Madaxweynaha ayaa saddexdii maalmood ee Shirku socday si joogta ah uga qeybgalay, wuxuuna goobjoog u ahaa doodihii la xiriiray sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Puntland iyo War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay Shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha Waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay taasi oo lagu soo ururiyay War-murtiyeedka Shirka kasoo baxay, sida in magacii Wasaaradda loo bedelo Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Carruurta iyo soojeedimaha kale ee dhaxalgalka ah.

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso Waxbarashada, oo ah adeegyada Dowliga ah ee guuleystay oo Puntland ku amaanantahay. Wuxuu rajeeyay in waxyaabihii Shirka kasoo baxay ay waxbadan ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Waxbarashada Puntland.

Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, Lataliyeyaal iyo Khuburo Waxbarasho, Qurbojoogta, Ganacsatada, Waalidka, Ardeyda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Idilnews