Gen. Xijaar oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay (Akhriso)

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa xilkii saldhiga Booliska degmada jowhar ka qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex, isaga oo taliye Cusub u Magacaabay saldhiga.

Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay  Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska .

Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cuusb.