Akhriso: Guddiga doorashooyinka Puntland oo fariin u diray shaqaalaha iyo Ciidanka

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku wargeliyay Shaqaalaha iyo Ciidammada Dowladda Puntland ee doonaya inay kamid noqdaan musharixiinta Ururada siyaasadda ee doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn inay iska soo casilaan shaqada Dowladda, ayna guddiga u soo gudbiyaan nuqul kamid ruqsadooda.

“Sida ku cad qodobka 5aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka, waxaa reeban in aysoo galaan liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada dawladda haddii aysan iska soo casilin shaqada ay hayaan 60 casho ka hor doorashada.”