Axmed Madoobe “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo Argagixisada”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa si kulul uga hadlay qarax gelinkii dambe ee jimcihii lala beegsaday ciyaartooy Kubadda cagta ah oo ka mid ah ciyaartoyda magaalada Kismaayo.

Axmed madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa u tacsiyeeyay dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland, gaar ahaan kooxda kubada Cagta JCCI oo qaraxa laal beegsaday.

Qoraal ka soo baxay Madaxtoyada Jubbaland ayaa u qornaa sidan;

Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.

Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena.