Daahir Geelle “Dhacdada Kismaayo waxay muujin heerka cadaawada Argagixisada”

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa war kasoo saaray Qaraxii shalay galab lala beegsaday kooxda JCCI ee magaalada Kismaayo xilli ay kusii jeeday garoon ay ka socotay Ciyaar ka mid ah horyaalka Jubbaland.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Jubbaland, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxa.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan cambaaraynayaa qaraxa argagaxa leh ee magaalada Kismaayo maanta lagula beegsaday ciyaartooyda kooxda JCC1.

Alle ha u naxariisto dhallinyarada shuhaddada ah ee qaraxaas ku baxday, kuwa dhaawaca ahna Alle ha siiyo caafimaad degdeg ah. Waxaan u tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna maamulka iyo shacabka Jubbaland, bahweynta isboortiga Soomaaliyeed, iyo qoysaska ay sida gaarka ah uga baxeen.

Dhacdadi maanta waxay muujinaysaa heerka cadaawadda iyo nacaybka aan kala sooca lahayn oo ay kooxaha argagaxisada ah u qabaan ummadda Soomaaliyeed, waana in ay nagu dhaliso in aan gaashaan midaysan kala hortagno cadawgaas ma naxaha ah.