Puntland oo dib u dhigtay furitaanka Iskuulada Gobalka Karkaar (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in labo toddobaad oo dheeri ah lagu daray Furitaankii ama Fasaxii dugsiyada degmada Qardho.

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa guud ahaanba bulshada deegaanka Puntland kula dardaarmaya in cudurka safmarka ah ee COVID-19 si fiican looga taxaddaro, islamarkaana ay waxbarashadu sidii loogu talagalay u socoto laga bilaabo xilligii horay jadwalka ugu qornayd marka laga reebo degmada Qardho, iyada oo la raacayo awaamiirta guud ee caafimaadka dalka.

s