Qaban-qaabada Xuska 1-da August oo ka socota deegaanada Puntland

Deegaanada Puntland ayaa si weyn looga dareemaya u diyaar-garowga dabaal-dega xuska 1-da August, oo ku beegan 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Puntland.

Calamada Puntland ayaa laga lulay waddooyinka waa weyn ee magaalooyinka waa weyn iyo deegaanada kale Puntland, iyadoona ay socota qaban-qaabada munaasabadda dabaal-dega oo ka dhacaysa guud ahaan deegaanada Puntland, dhulka kale ee Soomaalida iyo caalamkaba.

Sidoo kale, Wafuud fara-badan oo ka qeybgalaysa munaasabadda xuska 1-da August oo ah berri, ayaa kusoo qulqulaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kuwaas oo intooda badan maanta imaanaya Garoowe.

Dhanka kale, 1-da August waxaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ka bilaabanaya Tartanka kubadda cagta Gobalada Puntland, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ciyaaryahanada 9 Gobal, oo soo wada gaaray caasimadda.

1998-dii, ayay aheyd markii Isimo, Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, iyo Ganacsato kasoo jeeda Gobalada Waqooyi ee Puntland ay ku midoobeen dhismaha Puntland.

Idilnews