Wafuud heer sare ah oo maanta kusoo qul-qulaysa magaaladda Garoowe

Wafti heer Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xubnaha ayaa kamid ah Wafuuda ka qeybgalaysa Munaasabadda xuska 1-da August, 2021, oo ku began 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland, taas oo berri ka bilaabanaysa Garoowe iyo deegaanada kale ee Puntland.

Sidoo kale, Wafuud kale oo heer sare ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garoowe, waxaana kamid ah xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa si weyn uga socota qaban-qaabada xuska 1-da August, Puntland oo la aas-aasay sanadkii 1998-dii ayaa sanad walba berri oo kale u dabaal-degta dhismaheedii, iyo guulaha taariikhiga ah ee ay gaartay.

Idilnews