Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ku dhawaaqay inuu soo cusboonaday COVID-19 (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Garoowe ayaa ka warbixiyay xaalada cudurka COVID-19 oo dib uga soo cusboonaatay Gobalka Karkaar.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadku isla qaateen in dib loo dhigo furitaanka Iskuulada Gobalka Karkaar, oo furmi lahaa 3-da bishan August.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay isticmaalaan agabka ka hortaga cudurka COVID-19, sidoo kalena ay qaataan tallaalka cudurka.