XOG: Siciid Deni oo Xildhibaano ka dhigaya xubno kamid ah Xukuumadda uu hoggaamiyo

Sida ay muujinayaan xogo ay heshay Idilnews, Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa dadaal ugu jira inuu Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dhigo xubno katirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo, iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa dhow.

H.E Said Abdullahi Deni oo loo badanayo inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu la wadaagay xubnaha Sare ee Puntland iyo Isimo inuu doonayo inay Xildhibaano noqdaan, kuna matalaan Puntland Labada Aqal ee BJFS Dad uu ku kalsoon yahay.

Liiska xubnaha ku tartamaya Golaha Aqalka Sare oo dhowaan uu shaacin doono Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay kasoo muuqan doonaan xubno katirsan Puntland iyo qaar kamid ah saaxiibada dhow ee Madaxweynaha. Sidoo kale Said Deni ayaa ka dalbaday Isimada beelaha inay soo xulaan Xildhibaano daacad u ah oo kamid noqda Golaha Shacabka BJFS.

Idilnews