VIDEO: Puntland oo $7.4 Million ku bixinaysa dayactirka waddooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland .

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

Juurile- Boosaaso

Qardho – Garoowe

Garoowe- Brita dheer

Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland .

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.