5 kamid ah xubnaha Aqalka Sare oo maanta lagu dooranayo Baydhabo

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Koonfur Galbeed ayaa ka bilaabatay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaas.

Musharixiinta u taagan doorashada ayaa haatan wada jeedinta khudbadaha, waxaana munaasabadda hadal-jeedinta goobjoog ah Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo iyagu wax dooran doona.

Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maanta ay soo geba-gabeen doonaan doorashada 5 kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Idilnews