VIDEO: Munaasabadda xuska 1-da August oo lagu qabtay magaaladda Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay Xafladda sanad-guurada 23-aad ee Puntland.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo dibediisa.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa la dhisay 1998, 23 sano Dowladdnimada Puntland waxay hirgelisay Maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed.