Baarlamaanka cusub ee Somaliland oo kulankoodii ugu horeeyay maanta yeelanaya

Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa saaka yeelan doona kulankii ugu horeeyay tan iyo doorashadoodii.

Xildhibaanada Somaliland ayaa kulankooda maanta lagu dhaarin doonaa, iyagoona sidoo kale dooran doona Guddoonka Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland.

Xisbiyadda siyaasadda Somaliland ayaa dadaal ugu jira ku guuleysiga kuraasta Golaha Wakiillada, waxaana dhowaan Isbaheysi ku dhawaaqay Xisbiyadda macaaradka ah ee Wadani iyo Ucid, wallow xisbi xakimka oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ee Kulmiye uu garda duub ugu jiro ku guuleysiga xisbigiisa hoggaanka Baarlamaanka Somaliland.

Idilnews