VIDEO: Madaxweyne Deni oo fariin u diray Shacabka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo iyo farxad la wadaagay Bulshada reer Puntland Xafladda sanad-guurada 23-aad ee aasaaska Puntland.

“Waxaan ugu hambalyeenaya Shacabweynaha Puntland Munaasabadda 1-da August oo aynu u dabaaldegayno 23-guuradii kasoo wareegatay marku aynu Puntland dhisnay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo dibediisa.

Munaasabadda ayaa abaalmarin lagu guddoonsiiyay madaalayaasha ka shaqeeyay Mashaariicda ugu waaweyn ee Puntland laga hirgeliyay, kuwaasi oo kala ah Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo iyo Guddiga Dhismaha ee Dekadda Garacad.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa la dhisay 1998, 23 sano Dowladdnimada Puntland waxay hirgelisay Maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed.