Wararkii ugu dambeeyay ee Siciid Deni oo magacaabaya Tartamayaasha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo xubnaha ku tartamaya kuraasta Golaha Aqalka Saree e BJFS ku matali doona Puntland.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweyne Deni uu diyaariyay magacaabista tartamayaasha Aqalka Sare, balse dib loogu dhigay Munaasabadaha xuska 1-da August oo ka soconaya deegaanada Puntland.

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed ee Puntland ayaa ugu baaqay Isniintii Madaxweynaha inuu soo gudbiyo tartamayaasha Aqalka Sare, si loo dadajiyo doorashada.

Baarlamaanka Puntland oo fasax ku jira ayaa la filayaa inuu maanta dib u bilaabo kulamadiisa, iyadoona Madaxweynuhu uu u gudbin doono Liiska tartamayaasha Aqalka Sare, si ay u doortaan isla todobaadkan.

Idilnews