Garabka Cabdixaashi oo qaadacay Doorashada la shaaciyay

 Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey inaysan qeyb ka aheyn doorashada guddoonka guddigaas ee la shaaciyey inay qabsoomeyso maalinta Sabtida.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa maanta sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni, midaasi oo ay qaadaceen xubnaha taabacsan Cabdi Xaashi.

“Waxay madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) halkan ugu caddeynayaan inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaadhay kulamadii aanu la yeellanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno golahiisa Wasiiradda ah oo uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed maalmihii la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.

Sidoo kale waxay sheegen in dhowr jeer ay isku dayeen in laga heshiiyo oo la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya garabka kale, hase yeeshe uu garabka Mahdi Guuleed uu la imaan haba yaraatee wax hindise iyo xal ah u noqon kara is-mari-waaga taagan.

“Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey.”

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland in ilaa inta xal kama dambeys ah laga gaarayo hanaanka hagidda doorashada xildhibaanada labada gole, goobta doorashada iyo dhismaha Guddoonka Guddiga doorashooyinka Somaliland, aysan qeyb ka noqon karin go’aan hal dhinac ah oo loogu daneynayo garab gaar ah.

Qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa imanaya saacad un kadib markii uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal uu shaaciyey in maalinta Sabtida ah ee 7-da bishaan ay qabsoomeyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland.

Arrintaan ayaa dab kusii shideysa khilaafka ka taagan guddiga doorashada Somaliland oo ayagu u kala jabay labo garab, maalmihii u dambeeyayna la isku dayey in xal laga gaaro, wallow ay fashil ku soo dhamaadeen kulamadaas.

Halkan ka akhriso:-