Guddiga Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Hirshabeelle Oo La Magacaabay

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

15-xubnood oo dhammaantood ka tirsan Xildhibaanada Hirshabeelle ayuu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed u magacaabay Guddiga doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ka dhaceysa Magaalada Jowhar, waxaana Guddigan ay la kulmi doonaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Hirshabeelle.