Dadaalo lagu xalinayo khilaafka Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Muqdisho ka socda

Waxaa socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Hoggaanka Guddiga doorashada Somaliland oo ay isku hayaan labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Dadaalada la wado ayaa ka mid ah in labada dhinac ay kala qaataan Guddoomiye iyo Kuxigeen, inkastoo aan weli aqbalaad rasmi ah laga helin labada dhinac, inkastoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku howlan yahay in arrinta la dhameeyo illaa maanta duhurkii.

afar ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ee ka yimid dhinaca Cabdi Xaashi ayaa xalay diiday inay ka qeyb galaan doorshada Hoggaanka Guddiga oo maanta lagu waday inay ka dhacdo Afisyooni.