Doorasho lagu muransan yahay oo ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Muqdisho

Khadar Xariir Xuseen ayaa markii 3aad loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee weli hannaankeeda uu muran ka taagan yahay, iyadoo ay maqan yihiin xubnaha garabka kale ee ka socday Cabdi Xaashi.

Doorasho goordhow ka dhacday Afisyooni oo ay goobjoog ka ahaayeen 7 xubnood oo ay ku jireen saddexdii xubnood ee Ra’iisul Wasaaraha soo magacaabay ayay iska dhex doorteen Guddoomiye.

Khadar waxaa uu ka mid ahaa xubnihii cabashada laga gudbiyay ee la sheegay inuu ka tirsanaa Hey’adda Qaxootiga Qaranka, inkastoo dib ugu soo laabtay.

Idilnews