Dugsiyadda Sare ee Gaalkacyo oo laga mamnuucay inay gabdhuhu Afka gaduudsadaan

Xarunta Guddoonka Waxbarashada ee Gobolka Mudug ayaa ka dhacay Shir ay isugu yimaadeen Guddoonka Waxbarashada iyo Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Degmada Gaalkacyo.

Shirka oo looga hadlayey Tayeynta Waxbarashada ee Dugsiyada Sare, waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo, Ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Cali Sh C/sahal Xaaji, wuxuuna xusay in Waxbarashadu ay Tartan ku jirto loona baahan yahay in Dugsi kasta uu dadaalkiisa la yimaado.

Dood dheer kadib oo ay yeesheen Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Degmada Gaalkacyo waxaa Shirka kasoo baxay Qodobada soo socda:

1. In dhammaan Dugsiyada Sare ee Degmada Gaalkacyo Taabuurku uu bilowdo 7:00 Am (Subaxnimo), Xiisaduhuna ay bilowdaan 7:30 Am (Subaxnimo). Ardaygii soo daaha oo laga xirto Albaabka 7:30 Am (Subaxnimo), waxaa la siinayaa labo digniinood, waxaana la fariisinayaa Daaradda Dugsiga ilaa Xiisadda 3 aad ay ka dhammaanayso.

2. Inaan ardaydu Dugsiyada la imaan karin Mobile ka Beer-salaaxa (Smartphone), taas beddalkeeda loo oggol yahay Mobile ka yar, maadaama Lacag Soomaaligii ay istaagtay oo Mobile ka yar ay ugu jirto Lacagtii Shaah-Cab ka (Breakfast).

3. In la yareeyo Daabacaadda Waraaqaha (Hand Copy) oo ardayda Casharada Sabuuradda loo saaro (loogu qoro).

4. Inaan loo oggolaan Dugsiyada ardayda aysan Wanaagsanayn Hab-muuqaalkooda ardaynimo sida Jarista Timaha, Labbiska, Af-guduudsiga, San-durashada IWM.

5. Inaan Dugsiyadu qaban karin, arday aysan hubin inay wataan beddel sax ah oo aan soo Marin Xafiiska Guddoonka Waxbarashada, Dugsigii qabtana go’aan Wasaaradeed laga gaari doono.

6. Inaan Dugsiga A qaban karin arday Dugsiga B looga cayriyey Akhlaaq xumo, asaga oo aan soo Marin Xafiiska Guddoonka Waxbarashada, Dugsiga uu beddalka kasoo qaatayna waxaa laga rabaa inuu ku muujyo Warqadda Beddalka buundada argaygani uu ka haysto Maadada Akhlaaqda.

7. Inuusan Waxbarasho kasii wadan karin Dugsiyada Degmada Gaalkacyo arday Gacan-qaad u gaystay Macalim ama Maamul.
8. In Imtaxaanaadka Labada Teeram la jajabiyo oo ardayda 40% dhibcaha lagu baasayo loogu qiimeeyo Imtaxaanka Billaha ah, Layliyada iyo Maqnaanshaha ardayga.

9. In la qabto Tartan-Aqooneedyo u dhexeeya ardayda Dugsi kasta Dhexdiisa ah.

10. In Dugsiyada Sare ee uu ku dhimman yahay Tembaloolaha (Natiijada ardayda. Sannad-dugsiyeedkii tagay 2020-2021) ay ugu dambayn soo gudbiyaan 10/08/2021.

11- In Maraajico joogta ah loo sameeyo ardayda Fasalka 12aad (Form four ka).

12- In Imtixaan Asbuucle ah laga qaado ardayda Fasalka 12aad (Form four ka).