Hay’adda PAC oo Garoowe ku qabatay kulan looga hadlayo cudurka AIDS (VIDEO)

Hay’adda la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Puntland (PAC) ayaa magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ka daah-furtay kulan wacyi-galin ah, kaas oo looga hadlayo ka hortagga faquuqa dadka la nool cudurka.

Kulanka oo ahaa Aqoon isweydaarsi ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha Dowladda ee heer Gobal iyo heer degmo, hoggaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Agaasimaha Hay’adda la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Puntland Cabdulqaadir Maxamed Axmed (Burburshe), ayaa sheegay in kulanka uu hordhac u yahay Barnaamij wacyi-galin ah oo Hay’adda PAC ka bilaabayso gudaha Puntland.

Idilnews