Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku dartay Af-hayeenka Al-Shabaab Cali Dheere

Dowladda Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku dartay horjoogeyaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab iyo ISIS.

Xoghayaha Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa magacaabay shan hoggaamiye oo ka kala tirsan ISIS-Mozambique, JNIM, iyo al-Shabaab, oo ah kooxo argagixiso ah oo xasuuq ka geystay Afrika.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu joojiyo maalgelinta argagixisada, isagoo xaddidaya awooddooda inay ku fuliyaan weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah” ayuu yiri Antony Blinken xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka.

Horjoogeyaasha Mareykanku ku daray Liiska madow waxaa ku jira Afayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo magaciisa afgarashadu yahay Ikrama.