Puntland oo qaab dhismeed cusub u sameynaysa degmadda Shaxda (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta dawladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo Taliyaha qaybta gobolka karkaar iyo maamulka degmada ayaa daah-furay mashruuc lagu diyaarinayo qaab-dhismeedka degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar.

Qorshaha ayaa ah in la diyaariyo dhulka danta guud ee degmada sidda goobaha caafimaadka, waxbarashada, saldhigyada iyo wadooyinka ay magaaladu yeelanayso.

Idilnews