Rooble waxuu ku dhacay khalad Siyaasiya

Rooble Maanta waxuu galay danbi weyn oo dhaawacay uuna ka shalaayi doono.

Cabdixaashi in uu sidaa ula dhaqmo mahan mid hirgalaysa oo lagu daawanayo.

Dowlad Goboleedyadu waxay kul mayaan Jimcaha oo ay kawada xaajoon doonaan arimaha Doorashada oo ay ugu horayso arinka Somaliland.

Kulankii ugu danbeeyay ee Zoomka,waxaa Rooble lagu taageeray in uu wado hawsha waxii uu dhaqaajin kari waayana kusoo cesho Madasha Dowlad Goboleedyadu kula jiraan.

Sida aan xogta ku helay way dhibsadeen Dowlad Goboleedyadu hab dhaqanka Rooble,waxayna faragelin doonaan oo go’aan kasoo saari doonaan Gudiyada Waqooyi.

Gudiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi,waxay ka kooban yihiin 11 ay kala magacaabeen 4-Cabdixaashi ah iyo 4-Mahdi Guuleed ah iyo 3-Rooble ah.

Waxayse sartu ka quruntay markii 3-dii Rooble magacaabay noqdeen garabka Mahdi Guuleed ee Farmaajo,waana midaas mida Cabdixaashi diidan yahay oo kaliftay in uu ku adkaysto in doorashada Gudiga lagu soo koobo 8-da Isaga iyo Mahdi soo magacaabeen lagana saaro 3-da Rooble.

Isku soo wada duuboo Gudiyadan waa lakala diri doonaa waxa uun qornayd Rooble in uu ceeboobo oo uu lumiyo sumcadii yarayd ee uu kasbaday,waxaana xaajadu kusoo ururi doontaa Gudi laysku waafaqsan yahay.

Jibril Qoobey.