Wasiir Xaniifa “Saddexdii musharax waa in hal musharax dumar noqotaa”

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee dowladda Federaalka Xaniifa Maxamed Xaabsade ayaa ugu baaqday dowlad Goboleedyada in aysan baal marin heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Dowlad Goboleedyada ee ahaa in la ilaaliyo qoondada Haweenka.

Xaniifa Xaabsade ayaa sheegtay in loo baahan yahay in saddexdii Musharax ay hal musharax haween noqoto, sidaas darteed ay ka codsanayaan qaar ka mid ah dowlad goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii Madaxda ay ku gaareen Muqdisho.
Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay inay rajo wanaagsan ka qabaan in sanadkan haweenka ay helaan qoondadooda 30% ee kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 27 May ayaa qeyb ka ahaa in la ilaaliyo qoondada haweenka iyo in Musharaxiinta tartamaya ay ka mid noqoto Haween.

Doorashada aqalka Sare ee illaa hadda ka dhacday labada dowlad goboleed ee Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa la soo doortay illaa labo dumar, gaar ahaan doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday Baydhabo.
Idilnews