Wasiirka Caafimaadka Puntland oo baaq u diray Shacabka magaaladda Qardho (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa shir looga hadlayo xaalada cudurka COVID-19 la qaatay Maamulka Gobalka Karkaar iyo kan degmadda Qardho.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale kormeeray goobaha loo diyaariyay in lagula tacaalo dadka cudurka COVID-19 uu soo ritay, halkaas oo ay ku sugan kooxaha caafimaadka, isagoona ugu baaqay Shacabka inay muujiyaan taxadar.