Xaafad cusub oo laga hirgaliyay magaaladda Boosaaso (VIDEO)

Duqa magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile), ayaa maanta daah-furay xaafad cusub oo laga hirgaliyay magaaladda Boosaaso, taas oo lagu magacaabo Girible.

Xaafadan cusub oo ka kooban 282 Guri ayaa waxaa dhismaheeda Puntland ka caawisay Hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, waxaana loogu talaglay dadka barakacayaasha ah iyo danyarta kunool magaaladda Boosaaso.

Idilnews