XOG: Khilaaf ka dhex curtay Qoorqoor iyo kuxigeenkiisa Cali Ciid

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid.

Khilaafkan ayaa salka ku haya kursiga Aqalka Sare ee ah saamiga Beesha Madaxweyne Kuxigeenka, Wararka ayaana sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu doonayo in xubinta Aqalka Sare ee Beesha Mareexaan uu u soo qoro qof Villa Somalia laga soo gudbiyay, halka Madaxweyne Kuxigeenka ku doonayo in lagala tashto kursiga uu taladiisa leeyahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaafka Qoorqoor iyo Ciid uu dib u dhigay ku dhawaaqista liiska xubnaha ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ah 8 kursi, kuwaas oo Qoorqoor uu shaacin lahaa galabta.

Idilnews