Ciidammo lagu soo daadiyay waddooyinka magaaladda Garoowe

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Ammaanka ka wada magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoona Ciidammo Boolis ah lasoo dhigay isgoysyada magaaladda.

Ciidammada ayaa baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha, iyadoona sidoo kale gaadiidka laga fiiqayo bacaha madow ee lagu xirto.

Howlgaladan ayaa imanaya xilli caasimadda Puntland uu ka soconayo Tartanka ciyaaraha kubadda cagta Gobalada Puntland, kaas oo galay maalinkii 8-aad, waxaana magaaladda soo buux dhaafiyay taageerayaal la kala safan kooxaha sagaalka Gobal.

Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga badan Soomaaliya, waxaana ay marti-galisay shirar muhiim u ah Dowlad dhiska iyo Hormarka Soomaaliya, kuwaas oo uu ugu dambeeyay Shirka Bangiyadda Soomaaliya oo 6-7 bishan August ka soconayay Garoowe.

Idilnews