Faransiiska oo tallaalka cudurka COVID-19 ugu deeqay Soomaaliya (VIDEO)

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Axmed Xuseen Macalin (Gurey), ayaa la wareegay 12,000 doses oo ah talaalka cudurka COVID-19, kaas oo ay Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Faransiiska.

Munaasabadda la wareegitaanka qeybtii 2-aad ee talaalka COVID-19 oo ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Madaxa Hay’adda UNICEF Maxamed Ayoya iyo Madaxa WHO Maxamed Nur Malik.

Wasiir kuxigeenka Wasaaraddda Caafimaadka Axmed Xuseen Macalin (Gurey), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faransiiska deeqdan, isagoona ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.

Idilnews