Puntland oo taageertay jawaabtii Ra’iisul Wasaare Rooble ka bixiyay wareegtadii Farmaajo (Akhriso)

Dowladda Puntland ayaa taageertay qoraalkii uu maanta soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo uu kaga jawaabayay wareegto uu xalay uu soo saaray Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu ku sheegay inuu joojiyay heshiisyada Hay’adaha DFS la galaan Dalalka shisheeye, Hay’adaha iyo Shirkadaha caalamiga ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamintiisa ku aadan xilliga kala guurka, Hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay Adduunka.

“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.”

“Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.”

Idilnews