Sucuudiga oo Cumrada u furay Muslimiinta caalamka ee qaatay tallaalka COVID-19

Boqortooyada Sucuudiga ayaa oggolaatay sanad iyo bar kaddib in Muslimiinta caalamka ee qaatay tallaalka COVID19 inay mar kale imaan karaan Cumarada laga billaabo berri oo Isniin ah, sida ay qortay wakaaladda wararka dowladda ee SPA.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegay in xujeyda gudaha iyo dibaddaba ee loo oggolaaday gudashada Cumarada ay khasab tahay inay la yimaadan caddeynta qaadashada tallaalka COVID19.

Laakiin Xujeyda tallaalan ee ka imaanaya dalalka uu ku badanyahay cudurka COVID-19 ee Sucuudigu ku daray liiska cas ayaa si gooni ah loo karantiili doono, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda Xajka iyo Cumrada.

Sucuudiga ayaa Xajkii sanadkan u oggolaaday kaliya kaliya 60 kun oo muwaadicniiteeda ah ama dadka heysta iqaamada dalkaasi sababo la xiriira halista cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Reuters/VOA