Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Awuor Omamo, ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaarto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoona kulan la qaadan doonta Wasiiria Arrimaha Dibedda DFS Maxamed Cabdirisaaq iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ujeedada socdaalka Raychelle Omamo ayaa la xariirta dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, Waxaana uu daba socdaa kulan ku dhexmaray magaalada London Ra’iisul Wasaaraha DFS Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan dib u soo celiyay xiriirkii dublaamisiyadeed ee labada dalka, kaddib muddo uu ka dhex jiray khilaaf xooggan oo dacalada ku haya Arrimaha muranka Badda.

Idilnews