Booliska Jubbaland oo loo tababaray sugida Amniga Doorashooyinka

Booliska Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka, kaas oo loo qabtay Booliska Jubbaland.

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeybgalay 15 sarkaal oo ka tirsan Booliska Jubbaland,kuwaasi oo iyaguna sii tababari doona ciidanka .

Tababarkan muddadii uu socday waxaa lagu qaatay duruus la xariirta maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta, qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dad weynaha iyo xakamaynta dadka.

Idilnews