Guddi loo saaray khilaafkii baajiyay Ciyaartii Gobalada Nugaal iyo Sanaag

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarda iyo Cayaaraha Dowladda Puntland ayaa Guddi anshax u saartay khilaafkii ka dhashay cayaartii shalay dhexmari lahayd Sanaag iyo Nugaal, kaddib kulan ay xarunta Wasaaradda ku yeesheen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda.

Guddiga ayaa kala ah:

1. Axmed Daahir Ahmed (gudoomiye)

2. Cabdulqaadir Cabdullaahi Xassan (Gudoomiye k/X)

3. Maxamed Yuusuf Maxamuud

4. Axmed Cali Ibrahim

5. Maxamed Cabdullaahi Cali

6. Cabdirisaaq Aadan Warsame

7. Mohamed Aadan Xirsi.

Wasaaradddu waxa ay sheegtey in;

1. In Gobolka Sanaag uu soo gudbiyo qoraal uu ku cadaynayo cabashadooda

2. In Xidhiidhka Puntland uu soo gudbbiyo warbixin ku saabsan ciyaartii Sanaag iyo Nigaal.

Idilnews