Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer federaal oo ku Wajahan Galmudug

Waxaa saacadaha soo aaddan la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ay gaaraan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibrahim Barre iyo wafti uu hogaaminayo ay saaka u safrayaan Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee xubnaha kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusa-Mareeb.

Idilnews

Idilnews