Midowga musharixiinta oo kalan ka yeeshay khilaafka Farmaajo iyo Rooble (VIDEO)

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga hor yimid tallaabadii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku joojiyay in heshiisyo ay gasho Xukuumadda illaa doorashada ay ka dhamaanayso.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo xubin ka ah Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Midowga Musharaxiinta ay ku qiimeeyeen khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, howlaha doorashooyinka.

Dhinaca kale, Midowga musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa kulan ay xalay yeesheen waxa ay ku sheegeen in xukuumadda ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.

Idilnews