Puntland oo Awaamiir culus kusoo rogtay Shacabka iyo Gaadiidka galaya Boosaaso (VIDEO)

Duqa magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Cabdiqani Axmed Ismaciil (Deera-dile), ayaa ku dhawaaqay go’aan la xariira ka hortagga cudurka COVID-19, oo mowjadiisii saddexaad ay soo gaartay deegaanada Puntland.

Duqa Boosaaso oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay olalaha wacyi-gelinta bulshada Boosaaso ee cudurka COVID-19, ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka inay qaataan agabyada muhiimka u ah ka hortagga cudurka, sida Af-xirka.

Sidoo kale, Mudane Cabdiqani Deera-dile darawada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya gudaha Boosaaso iyo kuwa kale ee Gobalada ka yimaada ayuu ku amray in aysan qaadi karin qof aan xirneyn Af-saab, isagoona intaas ku daray in cidii u hoggaansami weyda amarka ay ka qaadi doonaan talaabo.

Idilnews