Baarlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay inay berri bilaabmeyso doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee Puntland, kuwaas oo ka kooban 5 xubnood.

1: Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle (Guddoomiye)

2: Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi (Xubin)

3: Xildhibaan Cabdiraxmaaan Jaabiri Samatar (Xubin)

4: Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal (Xubin)

5: Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax (Xubin)

Dhanka kale: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta berri oo Arbaco ah.

Idilnews