Guddiga doorashada heer Puntland oo ku dhawaaqay shuruudaha mushariixinta Aqalka Sare (Akhriso)

Guddiga maamulka doorashada heer Dowlad gobleed ee Puntland ayaa shaaciyay inay bilaabeen diwaangalinta Musharixiinta Aqalka sare BJFS ee Puntland, iyagoo soo bandhigay shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha Golaha Aqalka Sare.

Halkaan hoose ka Akhriso shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta oo ah 5 qodob.

1: Inuu yimaado Xafiiska Guddiga Maamulka doorashada Puntland ee Garoowe, kana qaato foomka diiwaan-gelinta musharax Aqalka Sare

2: Inuu la yimaado warqadda taariikh nolaleedkiisa oo cadeynaysa waxbarashada iyo khibradiisa shaqo

3: Nuqul kamid ah shahaadad dugsiga Sare, Jaamacadda heerka 1-aad, heerka 2-aad, heera 3-aad

4: Warqadda dambi la,aanta ee Hay’adda dambi baarista ee CID ee kasoo baxday Booliska

5: Rasiite cadeynta bixinta lacagta musharaxnimadda.

Guddiga ayaa sheegay in waqtiga is diwaan-galinta uu ku eg yahay caawa saddex saac ama sagaalka Habeenimo 9:00Pm.

Idilnews