Maxay uga dhigan tahay Puntland ku dhawaaqista Liiska tartamayaasha Aqalka Sare ?

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Liiska Tartamayaasha kuraasta xubnaha ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee BJFS.

Kuraastan oo ah 11, ayaa waxa xubnaha loo magacaabay inay ku tartamaan, waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo horey ugu mid ahaa Aqalka Sare, Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiiro katirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Gobalka Bari.

Hadaba maxaa ay Puntland uga dhigan tahay soo saarista Liiska tartamayaasha Aqalka Sare ?

Magacaabista xubnaha ayaa horseedaysa inay meesha ka baxaan dhowr arrimood, oo dhibaato ku ahaa Puntland, sidoo kalena ay curato hididiilo wanaagsan, sida

1: In senetoradii 4 sanno ee tagtay matalayay Puntland ee ku fashilmay matalaadii ay meesha ka baxeen.

2: In dad cusub oo loo han-weyn yahay meesha yimaadeen, lagana filayo wada shaqayn toos ah iyo damqasho Dad iyo Deegaan.

3: In Ragii khatarta ku ahaa Puntland ee soo dhibaateeyay 4-tii sano ee lasoo dhaafay ay ahayd in lala xisaabtamo, la marsiiyay waajibkoodii, sida Maxamuud Xayir Ibraahim, Maxamuud Mashruuc, Cumar Ismaaciil Waaberi.

Sidoo kale, soo saarista liiskan ayaa meesha ka saartay damaca xubno badan oo kamid ah garabka Farmaajo, kana qeyb aha jariimooyin badan oo lala damacsanaa dadka iyo deegaanka Puntland.

Dadka odorasa Arrimaha siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in xubnaha Madaxweyne Siciid Deni u soo xulay tartanka kuraasta Aqalka Saree e Puntland, ayaa ka micno badan yihiin xubnihii afartii sanno ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ku guuldareystay inay Puntland u soo dhiciyaan xaquuqdii ay ku laheyd DFS.

Idilnews