Booliska Puntland oo xadka Itoobiya ku qabtay Khamri fara-badan iyo ragii watay (VIDEO)

Ciidammada Booliska degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanka Meygaagle oo ah xadka degmaddu la wadaagto Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kusoo qabtay khamri gaaraya 24 kartoon oo ay ku jiraan 576 dhalo oo khamri ah.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay 3 gaari oo khamrida lagu siday, iyo 4 Nin oo khamrida watay, kuwaas oo mid kamid ah uu ku dhaawacmay Is rasaaseyn dhexmartay Ciidanka iyo Ragan.

Taliyaha Booliska degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal Maxamuud Miig, Duqa degmadda Burtinle Sayid Maxamuud Xirsi, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Maxkamadda horkeeni doonaan khamridan iyo Ragii watay, iyagoona ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidammada.

Idilnews