Lionel Messi oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris St Germain

Lionel Messi ayaa ku biiray kooxda Paris St Germain ee waddanka Faransiiska Talaadadii shalay aheyd, kaddib markii uu ka tagay kooxda Barcelona oo ah kooxdii uu ka bilaabay cayaaraha oo la filayay inuu xirfadiisa ku soo gabagabeeyo.

Messi, oo lix jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda Yurub, ayaa kooxdiisa cusub u saxiixay heshiis labo sano ah, kaas oo sidoo kale ikhtiyaar u siinaya in loo kordhin karo sannad kale oo saddexaad, sida ay kooxdu ku sheegtay bayaan ay ku soo daabacday website-keeda.

Ku soo biirista xiddiga reer Argentine, oo ka mid ah cayaartoyda ugu fiican jiilkiisa, ayaa weerarka PSG ku dari doona awood dheerri ah oo laga cabsado, maadaama ay hore u joogeen xiddiga reer Brazil ee Neymar iyo xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ee Faransiiska Kylian Mbappe.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka bilaabo Paris Saint-Germain qeyb cusub oo xirfadeyda ah, “Waxaa iga go’an inaan gacan ka geysto dhisidda wax u gaar ah kooxda iyo taageerayaasha,” ayay PSG ka soo xigatay Messi.

Imaatinka gooldhaliyaha ugu goolasha badan kooxda Barcelona, kaas oo dhaliyay 672 gool, ayaa sare u qaadi doonta hamiga kooxda ay leedahay Qatar ee PSG, si ay ugu guuleysato koobka ugu qaalisan, uguna qiimahaa badan ee Champions League.

“Messi ma aanu qarin rabitaankiisa ah inuu sii wado ka qeybgalka cayaaraha heerka ugu sarreeya iyo ku guuleysiga koobab, dabcan rabitaankeenna koox ahaaneed waa inaan sidaas oo kale sameyno,” ayuu yiri guddoomiyaha PSG Nasser Al-Khelaifi.

Reuters.