Puntland iyo WFP oo heshiis ka gaaray cabashooyin laga muujiyay Hay’adda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland mudane Maxamed Dhabancad ayaa kulan laqaatay madax ka socotay Ha’yadda WFP.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Xoojinta wadashaqaynta hay’adaha Dowladda iyo WFP, wax ka qabashada cabashooyin wasaaradda ka soo gaaray qaar ka mid ah dadka la gaarsiiyo deeqda ay bixiso WFP xafiiskeeda Puntland.

Wasaaradda iyo hay’adda WFP ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii taageero loo gaar siin lahaa deegaanada uusan ka da’in roobkii Guga. Waxaana sidoo kale hoosta laga xariiqay sidii looga hortagi lahaa musuq maasuqa iyo tacadiyada kale ee ka dhaca markii la qaybinayo gargaarka bini’aadanimo.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland mudane Jubba Cali Nuur.

Idilnews