Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay doorashada 11 Sanetor ee Puntland

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare. wuxuu sidoo kale hambalyo u diray xildhibaanada la doortay.

“Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

“Sidoo kale waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.”

“Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay”.

Idilnews