Shir looga hadlay Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo Garoowe ka furmay (VIDEO)

Magaalada Garowe waxaa maanta ka qabsoomay Kulanka Xoojinta Xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federalka iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha ee xubanaha ka ah Dawladda Federaalka soomaaliya.

Kulanka Xoojinta Xiriirka wada shaqeynta iyo Dib u heshiisiinta Heer Qaran waxaa kasoo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federalka soomaaliya, agaasimeyaasha Guud Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada heer (heer Fedraal iyo heer dawlada Goboleed) Arrimaha dib u heshiisiinta, xoojinya shaqooyinka ay wadaagaan Wasaaradduhu, iyo ka doodista mideynta Siyaasada dib u heshiisiinta Dalka.

Kulanka ayaa socon doona muddo 3 Cisho ah waxaa si hufan looga doodi doonaa dhamaan caqabadaha hortaagin Arrimaha Dib u heshiisiinta Dalka iyo xoojinta wada shaqeynta labada heer.

Idilnews