Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay Tallaalka Johnson ee COVID-19 (VIDEO)

Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday Soomaaliya 302,400 oo does oo ah talaalka Johnson Johnson ee cudurka COVID-19, kaas oo maanta lasoo gaarsiiyay magaaladda Muqdisho.

Munaasabad ay kula wareegayso tallaalka Wasaaradda Caafimaadka DFS ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana goobjoog ahaa Saraakiil kamid ah Qaramada Midoobay iyo Hay’adda WHO oo lasoo marsiiyay tallaalkan.

Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 waxay ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabtay markii 3aad. Wasaaraddda Caafimaadka DFS ayaana uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, iyadoona ugu baaqday dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.