Maxay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar ?

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar ayaa waxaa la sheegay inay khadka telefoonka uga wada hadleen arrimo dhowr ah.

Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Arrimaha gobalka iyo caalamka intaba.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay si gaar ah u maalgeliso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Saaxiibadiisa siyaasadda.
Idilnews