Video:-Maxaa laga dhadhasan karaa Hadalkii Rooble Ee khilaafka ?

Hadalka Rooble,waxaa laga akhrisan karaa dhawr arimood markii la turjumo,kuwaasoo kala ah……

1.Khilaafkii Warka Suuqa ku koobnaa oo uu xaqiijiyay.

2.Nin adkaaday oo jeesjees iyo ku digasho hadlaya.

3.Farmaajo oo Amarkiisii shaqayn waayay wax uu ka qaban karana aysan jirin.

4.In wada shaqaynta ka dhaxaysa isaga iyo Farmaajo ay tahay mida Dastuurku qorayo.

Rooble markii laysku geeyay isaga iyo Farmaajo,waxuu ku garnaqsaday dhawr arimood oo kala ah…

1.Han ha yeelan waa kaa yeelay.

2.Musharax ha noqon waa kaa yeelay.

3.Siyaasad haka hadlin waa kaa yeelay.

4.Ma in aan noolaadaad diidan tahay marka ??

Sida aan xogta ku helay Shirkadaha Diyaaradaha iyo Ganacsatada Qaadka Rooble waxay ugeeyeen 300-kun oo dolar,sidoo kalena waxay siiyeen qayb joogta ah Faa’idada maalinlaha ah.

Farmaajo mahan Nin xikmad wax ku hogaamiya,sababtoo ah halkee laga helaa qof kaa aqbalaya arimahan…

1.Caqli ha yeelan.

2.Wax ha diidin waxna ha yeelin.

3.Lacag ma rabi kartid.

4.Mushahaarka anaa kuu qoondaynaya.

5.Siyaasad kama hadli kartid.

6.Han ma yeelan kartid.

Dadka Siyaasada la socdaa waxay qabaan in Rooble laga gardaran yahay oo uu yahay Nin xishooda balankana oofiya balse Farmaajo alamtara soo dhaafay.

Farmaajo ceebtiisa in loo tagaa qornayd oo amarkiisii ahaa lama dhoofi karo lamana geli karo heshiis oo la buriyay oo uusana ka daba tagi karin.

Halkan ka daawo muuqaalka